<![CDATA[Radiowiilwaal - BANDHIGA]]>Tue, 21 May 2013 22:29:43 -0800Weebly<![CDATA[Aniga Iyo Nin Ubo Ah: Garnaqsi!]]>Sat, 11 Aug 2012 03:50:18 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/08/aniga-iyo-nin-ubo-garnaqsi.htmlFoto
Aniga oo ah majaajilayste Gh Wiilwaal barnaamiyadayna ay aalaa inta danaysa ay ka daawato youtubeka (http://www.youtube.com/user/RadioWiilwaal?feature=mhee)  waxaan rabaa inaan idinla wadaago wada hadal xiisa leh oo aan la yeeshay nin aan asxaab nahay kaasoo isoo wacay ka dib kolkii uu maqlay inaan Jigjiga u socdo. Wadahadalkani sida hoos ku qoran buu u dhacay anaaba og fiidyow baa ka danbayn markaan firaaqo u helo...ilaahay amarkii.)


Ninkii: Asc ...war libaax ii waran?

Aniga:  Waa ninma?

Ninkii:    Waa saaxiibkaa Xasan Xuseen anaaba og inaad i caasisaye!

Aniga:    Olooh waar waa  ugaaskaygu xalaasha ah, War ha la istaago…naa bal shiishada iga qabo sharafi  

                   dhimataye…ilaahay amarkii.

Ninkii:   Dharaar dhawayd waxaan kaa arkayay Universal tv adiga oo ka leh: "halka ugaas ee Yurub laga 

                    aaminsan   yahay waa aniga”.

Aniga:    Libaax adigu caawa ma waxaad  ii soo wacday inaad ugaasnimadaa aan sheegtay igu qabsato?


Ninkii: Maya ugaas waxaan maqlay arin kale oo aan qaadan waayay ilaa aan afkaaga ka hubsado.

Aniga: Xasanow ina adeer muxuu yahay arinka baas anaaba og hadal baa ka danbayne.

Ninkii: Wiilwaal waxaa na soo gaadhay oo Kanada noogu timid inaad dabaqoodhi noqotaye ma waxbaa ka 

                 jira   inaad Jigjiga u socoto.

Aniga: Waaka walaahay ticketkaygii---waliba waa one way ilaa iyo jigjiga soo jeesad ma leh.

Ninkii: Saaxiib aad baan uga xumahay. Ilama ah sidaan kuu aqaano nin maanta kuu yaqaano inuu qurbe 

                  joogo. Nin geesi ah, oo safka hore laga fishaad ahayde maxaa ku helay, ma haddaad
                 dabaqoodhinimo iyo gumaysi inaad hoos tagto nolol ka damacday.

Aniga:  Xasan Xuseenoow ina adeer ma haboona in la iska hadlee dalka aad na leedahay gumaysi baa ka jira  

                   ma og tahay inuu ku nool yahay nin aniga iyo adigaba naga fiican, gabayadiisana aan wada 
                    garanayno.

Ninkii:   Dhoodaan baad soo wadaa waxaadse ogaataa saaxiib...

Aniga:     Saaxiib  Dhoodaan ma ahaa waa Macalin Dhoodaan!

Ninkii:    Dhoodeen hadda inaan kaala hadla kuumaanan soo wacane  ina adeeroow waxaan
                   ku waydiiyay  nimanku meeqay ku siiyeen waanba arkaa in lagu gataye.


Aniga:     Xasan Xuseenoow  ina adeer adiga iyo adeerkay Xaamud waa  og tihiine ceebahaygu inay badan                
                   yihiin  balse hunguriga dad lagula bahooba iyo bakhaylnimaba waad og tahay  waligay
                   la iguma xaman...ilaahay amarkii.

Ninkii:  Waa runtaa ugaas ceebahaagu way badan yihiin, dabaqoodhinimana haddaad ku darsatay waxaanse   
                   qirayaa tolkaa inta ugu deeqsisan baad ku jirtaa. Waxaan edmonton Canada joogay adoo habeyn 
                   shan boqol jamhadda siiyay oo halganka ku taageeray.
 
Aniga: War nin yahow horta waagaa waan idiin qaldamay oo waxaan idiinba haystay dad quruxdeena 
                danaynaya...ilaahayaamarkii. Midda kale Xasan Xuseenoow ina adeer ma suurta galbaa in shantaa 
                boqol ee dollar oo aad sheegtay la ii soo celiyo, lacag laáan waalan baa yurub igu haysatee anaaba og 
                waxaan ku sii iibsan lahaa iphone aan afrika isaga sii cabsiiyo.

Ninkii: (wuu qoslay)  waa ilaahay amarkii ...adaa lagaa bartaye libaax inaad sidaa u hadasho.

Aniga:     Ugaas ma wax lagu qoslaan sheegay?

Ninkii:   Maya ina adeer waxaan iswaydiinayaa ninkii Wiilwaal ahaa aan waligiis Itoobiyaan u socdaa afkiisa 
                  laga maqal, gumaysigana  nala necbaa oo naftii hurre noo ahaa....

Aniga: Xasanow  kaama dhexgalee.... ina adeer soo ma xishootaan ? labataan sanaad na lahaydeen war nafta 
               hurra adiga iyo intii hormuudka noo ahaydna waad soo taagan tihiin marka anaaba og faa'iido nooma 
               soo wadaan filinkii ey baa cunay.

Ninkii:  labadeenna libaax kitaab adiga ayuu Ey ku cunni rabaa !  Ma waraysata horta raggii kaa horeeyay  
                 daispora ka yaacay--- war meesha isaga joog qurbajoogtii kaa horaysaa ku soo hungowdaye. Bal 
                 hadda maxaad ka qaban haddaad  Jigjiga tagto. Ma show baad dhigi?

Aniga:  Show ma dhigayo nin dhulkiisii nabad ku helay baan ahaye waxaan wax la qaybsan ummadaa ilaahay 
                ee Xoola Dhaqato Beeraleey ah laga wadaga dhigay. Midda kale adba haddaadan isyeelyeelayn waad 
                og tahay maanta maamulka deegaanka kuwii hore wuu ka diyaarsan yahay.

Ninkii:   Siduu ugu diyaarsan yahay kuwii hore aan ku waydiiyee.

Aniga:  Nimanku inay diyaarsan yihiin waxaa u daliilkiiye soo iyagaa shacabkii kaa dareersaday Nimco 
                  Dareenna kugu soo hogaamiyay....ilaahay amarkii.

Ninkii: Ugaas adiga Suuggaan iyo jacbur bay ahayd in lagaa waraystom maba ay sugna in siyaasad wax lagaa   
                   waydiiyo---maxaad ka taqaan ninka meesha loo dhiibay?

Aniga:  Loo doortay dheh libaax....Haa....Cabdi Maxamuud Cumar anigu ma arag; balse adeerkay Xaamud 
                  baa ii amaanay!

Ninkii:   War  "adeerkay Xaamud baa ii amaanay" xigmad ma ahana Ugaas xaqa ha iska indhatirin!

Aniga:

Xasanow ina adeer
Xaashaalilaahiye
Xaqa igu dilaalin
Xornimana dadkaagii
Xoog kuma haboonee
Xigmad wanaag ku day
Ha Xasuuqin dhalintee
Soo xareeree kuwaa hadhay.

Ninkii: Wiilwaal ma inagiiba isku gabyayna maantana

Aniga: Ma gabyini haddaan idiin geeraaro anaaaba og inaan ka bilaabi lahaa:

Ubo wayso badanaa
Aakhiradeedu fogaa
Aragtideedu dhowaa
Inshaaradeedu xumaa
Ogaadeen u darnaa
Ma ka awow ka awow bay
Dab afuufa yidhaahdeen
Waa ilaah mahadii
Mar haddii ummadii
Abuse-ka ay ku hayeen
Iyo ubadkiiba ogaaday





]]>
<![CDATA[You Lazy (Intellectual) African Scum! by Field Ruwe]]>Wed, 08 Feb 2012 15:06:22 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/02/you-lazy-intellectual-african-scum-by-field-ruwe.htmlPicture
They call the Third World the lazy man’s purview; the sluggishly slothful and languorous prefecture. In this realm people are sleepy, dreamy, torpid, lethargic, and therefore indigent—totally penniless, needy, destitute, poverty-stricken, disfavored, and impoverished. In this demesne, as they call it, there are hardly any discoveries, inventions, and innovations. Africa is the trailblazer. Some still call it “the dark continent” for the light that flickers under the tunnel is not that of hope, but an approaching train. And because countless keep waiting in the way of the train, millions die and many more remain decapitated by the day.

“It’s amazing how you all sit there and watch yourselves die,” the man next to me said. “Get up and do something about it....http://mindofmalaka.wordpress.com/2012/01/18/you-lazy-intellectual-african-scum/ 

]]>
<![CDATA[Six Toe Joe, Somali Pirate With Twelve Toes, Ten Fingers And Two Thumbs Seized By Royal Navy]]>Mon, 06 Feb 2012 19:15:10 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/02/six-toe-joe-somali-pirate-with-twelve-toes-ten-fingers-and-two-thumbs-seized-by-royal-navy.htmlPicture
A pirate with six toes on each foot has been captured by a Royal Navy operation in the Indian Ocean.The Somalian, known as Six Toe Joe, was one of 14 suspects handed over to the Seychelles authoritiesHe also has ten fingers and two thumbs due to a condition known as polydactyly, the Sun reported.

A source told the newspaper: “He’s the modern dayLong John Silver. When you think of pirates you think of peg legs, not excessive fingers and toes, but the rumours proved to be true!”

The men were rounded up by the Royal Fleet Auxiliary ship RFA Fort Victoria, under a NATO-led operation..... The Huffington Post.


]]>
<![CDATA[Buraanbur: Saado Cabdi Mire]]>Mon, 06 Feb 2012 10:25:28 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/02/buraanbur-saado-cabdi-mire2.htmlPicture

]]>
<![CDATA[A Somali Family]]>Mon, 06 Feb 2012 10:06:13 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/02/a-somali-family.html
]]>
<![CDATA[Sh*it Somali People Say/Do Part2]]>Sun, 05 Feb 2012 12:22:20 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/02/shit-somali-people-saydo-part2.html
]]>
<![CDATA[Muqdisho 1935?]]>Sat, 04 Feb 2012 14:18:59 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/02/muqdisho-1935.html ]]><![CDATA[Somali Talk Show: Episode 2]]>Thu, 19 Jan 2012 04:39:13 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/01/somali-talk-show-episode-2.html
]]>
<![CDATA[Somali Talk Show: Episode 1]]>Wed, 11 Jan 2012 15:06:57 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2012/01/somali-talk-show-episode-1.html
]]>
<![CDATA[Tolweynow Dooga Dheega!]]>Tue, 15 Nov 2011 16:18:19 GMThttp://www.radiowiilwaal.com/16/post/2011/11/tolweynow-dooga-dheega.html
]]>