War Libaax nin cajib ah baad tahay,
mar dhoweyd mar aan Idaacadda radio Wiil waal aan furay si aan uga dhegeysto wararkii duhurnimo ayaan qodobka labaad ee wararkaagii duhurnimo ee ku saabsanaa Taalada Sayid M Cabdile Xasan inuu Barlamaanka Somali Land mooshinkaa soo hordhigeen inay sidaa la yeelo. Laakiin ma ogtahay Taasi inay Faragelin toos ah iyo bililiqo ka dhan ah oo lagu bililiqaysanayo trassiarigii taariikhda dhaqanka Xukuumadda Dowlad Deegaan Soomaliyeed ee Etopiya ay noqotay inay tahay xatooyo aan geedna loogu soo gaban oo SL doonayso xitaa inay xaddo wadaadkii la wada yaqaanay ee Sayid MCX, taasoo shuruudaha lagu xidhay inay SL keento waraaqihii dhalashada Sayidka iyo wixii caddayma ah sida lafahii maydkiisa iyo buraashadiisii marka hore inta uusan ansaxinin mashruucaa barlamaankooda Hargeysa mooshinkan.
ka dib markii banaan baxyo aan rabshada wadan ka dhigeen shacabka ku nool Caasimadda DDSI ee Jigjiga ayaa shir degdega ah la isugu yimid Aqalaka shararka ee Sayid Maxaned C Xasa. Halkaasoo shir balaaran ay isugu yimaadeen shacabka iyo madaxda XDDSI oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha XDDSI Mudane Cabdi M Cumar oo loo yaqaanno Cabdi Fariid dhaanto gaaban markii lagu furay shirka dhowr qodob oo looga hortagayo budhcad qabriyeedka SL ayaa la isku raacay in guud ahaan ba:
1. Xuduudda dheer ee ay SL la waddaagto DDSI la xidho si aysan ba u dhicin inay xadaan reer Hargeysa maydka Sayidka iyo wixii taariikh ahaa ee lagu hayo qolka muesomka wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka. Halkaana waxaa codsiyo badan ka soo jeediyey qaar ka mid ah ururada bulshada oo ka codsaday xukuumadda DDSI inay ciidanka qaranka ee sida Militariga u tababaran ee Liyuu Boliska loogu xilsaaro ilaalinta abniga xudduudaha Soomaaliya aan ba idhaahdee, gaar ahaan xuduudda dheer SL ay la wadaagto kililka. Islaan ka mid ahayd Islaamihii shirka ka soo qayb galay oo kabadh jaad lagu iibiyo ku haysata daarta Fooq yare ee qabaleega 3aad ayaa iyana ka codsatay xukuumadda deegaanka in cutubyo ka tirsan LB loo diro qabrigii Sayid M Cabdile Xadan ee degmada IIMEY si ay uga ilaaliyaan in laxado lafaha maydkiisa iyada hadalkii sii wadatata ayay aamaan balaaran u soo jeedisay Ciidanka Liyuuga sidii ay u sugeen una xaliyeen abniga shacabkad deegaankii, ka dib markii ay ka sifeeyeen ururkii budhcaddii UBO ee jidgooyinka ku hayay Qaadwalayaasha, eeggana Qaadka nooca buureedka ee loo yaqaanno Wadaniga ee ka baxa buuraha Gureyska dhanka toggoga Jarar iyo faafanba u dirto meela badan oo markii hore nabadgelya la'aan darteed aysan ka shaqaysan karin Islaamo badan oo ka baayac mushtara Qaadka fadhigooduna yahay Caasimadda Jigjiga, waxaana ka mid ah bay tidhi Xaajiyo Xaawa Dega kkk Ilaah amarkii ----- meelaha ay geeyaan Buureedka sida deeeganada dhuxun iyo garbo, Nogob ilaa Qari-jiqood inta ka shisheesa waa sida ay hadalka u dhigtay eegana Degalayaasha, Dameeralayda iyo landCruserada daabula qaadkana ay si nabadgelya ah isugu eryadaan wadooyinka waaweyn ee laamiga ah iyo kuwa toobyada ah sida ta caanka ah Toobyo Gunagado iyagoo haba yaraatee wax budhcad ah oo ka dhaca qaadka aysan ka cabsanayn ----- Waxayna ku soo gababgabaysay hadalkeedii sidatan:
"Waxaan mahad mahad balaaran uga gudbinayaa kobtatan dhamaan Xukuumadda uu madaxda ka yahay Mudane Cabdi Fariid iyo ciidanka Liyuuga lagu reestay laguna diirsaday.
tix yar oo buraanbur ah na shirkii baa lagu xidhay iyada lagu balamay in hoolka shirarka ee Sayid M Cabdile Xasan uu ka sii socon doonno shirkaa.
Wixii ku soo kordha oo ka soo baxana waan idinla soo socodsiin doonaa.
Wariye Mula
Jigjiga City
SRS of Ethiopia