Aniga oo ah majaajilayste Gh Wiilwaal barnaamiyadayna ay aalaa inta danaysa ay ka daawato youtubeka (http://www.youtube.com/user/RadioWiilwaal?feature=mhee) waxaan rabaa inaan idinla wadaago wada hadal xiisa leh oo aan la yeeshay nin aan asxaab nahay kaasoo isoo wacay ka dib kolkii uu maqlay inaan Jigjiga u socdo. Wadahadalkani sida hoos ku qoran buu u dhacay anaaba og fiidyow baa ka danbayn markaan firaaqo u helo...ilaahay amarkii.)
Ninkii: Asc ...war libaax ii waran?
Aniga: Waa ninma?
Ninkii: Waa saaxiibkaa Xasan Xuseen anaaba og inaad i caasisaye!
Aniga: Olooh waar waa ugaaskaygu xalaasha ah, War ha la istaago…naa bal shiishada iga qabo sharafi
dhimataye…ilaahay amarkii.
Ninkii: Dharaar dhawayd waxaan kaa arkayay Universal tv adiga oo ka leh: "halka ugaas ee Yurub laga
aaminsan yahay waa aniga”.
Aniga: Libaax adigu caawa ma waxaad ii soo wacday inaad ugaasnimadaa aan sheegtay igu qabsato?
Ninkii: Maya ugaas waxaan maqlay arin kale oo aan qaadan waayay ilaa aan afkaaga ka hubsado.
Aniga: Xasanow ina adeer muxuu yahay arinka baas anaaba og hadal baa ka danbayne.
Ninkii: Wiilwaal waxaa na soo gaadhay oo Kanada noogu timid inaad dabaqoodhi noqotaye ma waxbaa ka
jira inaad Jigjiga u socoto.
Aniga: Waaka walaahay ticketkaygii---waliba waa one way ilaa iyo jigjiga soo jeesad ma leh.
Ninkii: Saaxiib aad baan uga xumahay. Ilama ah sidaan kuu aqaano nin maanta kuu yaqaano inuu qurbe
joogo. Nin geesi ah, oo safka hore laga fishaad ahayde maxaa ku helay, ma haddaad
dabaqoodhinimo iyo gumaysi inaad hoos tagto nolol ka damacday.
Aniga: Xasan Xuseenoow ina adeer ma haboona in la iska hadlee dalka aad na leedahay gumaysi baa ka jira
ma og tahay inuu ku nool yahay nin aniga iyo adigaba naga fiican, gabayadiisana aan wada
garanayno.
Ninkii: Dhoodaan baad soo wadaa waxaadse ogaataa saaxiib...
Aniga: Saaxiib Dhoodaan ma ahaa waa Macalin Dhoodaan!
Ninkii: Dhoodeen hadda inaan kaala hadla kuumaanan soo wacane ina adeeroow waxaan
ku waydiiyay nimanku meeqay ku siiyeen waanba arkaa in lagu gataye.
Aniga: Xasan Xuseenoow ina adeer adiga iyo adeerkay Xaamud waa og tihiine ceebahaygu inay badan
yihiin balse hunguriga dad lagula bahooba iyo bakhaylnimaba waad og tahay waligay
la iguma xaman...ilaahay amarkii.
Ninkii: Waa runtaa ugaas ceebahaagu way badan yihiin, dabaqoodhinimana haddaad ku darsatay waxaanse
qirayaa tolkaa inta ugu deeqsisan baad ku jirtaa. Waxaan edmonton Canada joogay adoo habeyn
shan boqol jamhadda siiyay oo halganka ku taageeray.
Aniga: War nin yahow horta waagaa waan idiin qaldamay oo waxaan idiinba haystay dad quruxdeena
danaynaya...ilaahayaamarkii. Midda kale Xasan Xuseenoow ina adeer ma suurta galbaa in shantaa
boqol ee dollar oo aad sheegtay la ii soo celiyo, lacag laáan waalan baa yurub igu haysatee anaaba og
waxaan ku sii iibsan lahaa iphone aan afrika isaga sii cabsiiyo.
Ninkii: (wuu qoslay) waa ilaahay amarkii ...adaa lagaa bartaye libaax inaad sidaa u hadasho.
Aniga: Ugaas ma wax lagu qoslaan sheegay?
Ninkii: Maya ina adeer waxaan iswaydiinayaa ninkii Wiilwaal ahaa aan waligiis Itoobiyaan u socdaa afkiisa
laga maqal, gumaysigana nala necbaa oo naftii hurre noo ahaa....
Aniga: Xasanow kaama dhexgalee.... ina adeer soo ma xishootaan ? labataan sanaad na lahaydeen war nafta
hurra adiga iyo intii hormuudka noo ahaydna waad soo taagan tihiin marka anaaba og faa'iido nooma
soo wadaan filinkii ey baa cunay.
Ninkii: labadeenna libaax kitaab adiga ayuu Ey ku cunni rabaa ! Ma waraysata horta raggii kaa horeeyay
daispora ka yaacay--- war meesha isaga joog qurbajoogtii kaa horaysaa ku soo hungowdaye. Bal
hadda maxaad ka qaban haddaad Jigjiga tagto. Ma show baad dhigi?
Aniga: Show ma dhigayo nin dhulkiisii nabad ku helay baan ahaye waxaan wax la qaybsan ummadaa ilaahay
ee Xoola Dhaqato Beeraleey ah laga wadaga dhigay. Midda kale adba haddaadan isyeelyeelayn waad
og tahay maanta maamulka deegaanka kuwii hore wuu ka diyaarsan yahay.
Ninkii: Siduu ugu diyaarsan yahay kuwii hore aan ku waydiiyee.
Aniga: Nimanku inay diyaarsan yihiin waxaa u daliilkiiye soo iyagaa shacabkii kaa dareersaday Nimco
Dareenna kugu soo hogaamiyay....ilaahay amarkii.
Ninkii: Ugaas adiga Suuggaan iyo jacbur bay ahayd in lagaa waraystom maba ay sugna in siyaasad wax lagaa
waydiiyo---maxaad ka taqaan ninka meesha loo dhiibay?
Aniga: Loo doortay dheh libaax....Haa....Cabdi Maxamuud Cumar anigu ma arag; balse adeerkay Xaamud
baa ii amaanay!
Ninkii: War "adeerkay Xaamud baa ii amaanay" xigmad ma ahana Ugaas xaqa ha iska indhatirin!
Aniga:
Xasanow ina adeer
Xaashaalilaahiye
Xaqa igu dilaalin
Xornimana dadkaagii
Xoog kuma haboonee
Xigmad wanaag ku day
Ha Xasuuqin dhalintee
Soo xareeree kuwaa hadhay.
Ninkii: Wiilwaal ma inagiiba isku gabyayna maantana
Aniga: Ma gabyini haddaan idiin geeraaro anaaaba og inaan ka bilaabi lahaa:
Ubo wayso badanaa
Aakhiradeedu fogaa
Aragtideedu dhowaa
Inshaaradeedu xumaa
Ogaadeen u darnaa
Ma ka awow ka awow bay
Dab afuufa yidhaahdeen
Waa ilaah mahadii
Mar haddii ummadii
Abuse-ka ay ku hayeen
Iyo ubadkiiba ogaaday

RSS Feed